Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Soomaaliya Oo Lexejeclo Ka Muujiyey Somaliland Oo Uu Hore Uga Goostay, Kana Hadlay Warar Saxaafaddu Ka Qortay

0

CaptureWasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha ee Soomaaliya, Jaamac Maxamuud Axmed (Jaamac Odey) oo la soo xidhiidhay shebekada caalamiga ah ee arabsiyo news ayaa beeniyey warar ay ka baahiyeen Warbaahinta Maxaliga ah ee Somaliland.

Jaamac

 

Wasiirku wuxuu sheegay in Saxaafadda Gudaha ee Somaliland ay isku qaldeen wasaaradda uu Wasiirka ka yahay oo ah Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha iyo wasaaradda Macdanta iyo Partoolka oo faro-gelin ku samaysay hawlaha Macdan baadhiseed ee Somaliland, sidaa daraadeedna aanay wasaaraddiisu ahayn ta ka hadashay ama dacweysay shirkadaha hawlaha Macdan baadhiseed ka wada Somaliland.

Wasiir Jaamac Odey, waxa uu sheegay inuu saxaafadda Somaliland ku arkay war qalad ku ah wasaaraddiisa “Waxaan arkayey warar qaldan oo laga qoray wasaaradda aan Wasiirka ka ahay ee Tamarta iyo biyaha, laakiin waxa jirta wasaarad kale oo la yidhaaho Macdanta iyo Patroolk” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay inaanu ka hadal “Sidaa daraadeed waxaan halkan ka caddeynayaa Wasaaradda Tamarta iyo biyuhu kama hadasho Macdan iyo Partool”

Jaamac Axmed Maxamuud (Jaamac Oday) waxa kale oo uu sheegay “Wax khilaaf u keenaya Somaliland iyo Soomaaliya kama hadasho sideedaba wasaaraddeydu, aniguna kama hadlo”ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Laakiin wasaaradda uu Agaasimaheeda guud hadlay waa wasaaradda Macdanta iyo Partoolka, hasa-yeeshee war ku soo baxay Website-ka Somaliland.org, wuxuu aad iyo aad u eedaynayey Wasaaradda Tamarta iyo biyaha, markaa waxaan caddeynayaa wasaaradda Tamarta anigaa masuul ka ah warkaasina kama soo bixin, waana been oo Magacyada in kala fahmi waayay ayaan filayaa