Hargeysa (AN) Wasiirka Arrimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Sheegay inay Somalia kala hadlayaan digniinta dhawaan ka soo baxday ee ku saabsan Shirkadda China laga leeyahay ee macdanta ka qodaysa Gobolka Awdal. Waxa uu sheegay inaanay Somaliland u joojin doonin dhawaaqooda Madaxweynaha Somalia-na ay kala xaajoon doonaan arrintaasi. “Arrinta Macdanta,Maalintii dhaweyd 6-dii qodob ee uu Makhraatiga ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ee ay kala saxeexdeen Madaxweyneheena iyo Madaxweynaha Somalia oo aanu Muhiim u arkaynay waxaa ka mid ahaa inaan la carqaladayn oo aan la dhex galin arrimaha ku saabsan Horumarka iyo dhaqaalaha” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo Xafiiskiisa Saxaafadda kula hadlay.