Hargaysa(AN) Wasiirkii hore ee Arimaha dibada S/land Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa beeniyey hadal ay qoreen qaarkamid ah warbaahinta oo sheegayey in Maxamed C/laahi uu kamid noqon doono golaha wasiirada ee dhawaan usoo magacaabayo raisalwasaaraha dawlada Xamar
Dr Maxamed C/laahi Cumar oo ku sugan magaalada London ayaa warsaxafadeed uu soo saaray ayaa waxa udhignaa sida tan
“Qaar kamid ah mareegaha wararka ay qoraan ayaa sheegaya inshirkii S/land iyo Somaaliya ee ka dhacay dalka Jabuuti lagusoo qaaday sidii aan uga mid noqon lahaa dawlada Fadaraalka Somaaliya waxaan halkan ka cadaynayaa in aanu warkaasi sal iyo raad toona lahayn oo labeen abuuray ,waxaan shacbiga S/land iyo taagerayaashaydaba usheegayaa hadii aan doonayo kursi dawladeed waxay fursado badani iiga banaan yihiin S/land
taas oo aan kutalo jiro sidii aan hogaanka dalka ugu guulaysan lahaa markay ku haboonaato”
Arabsiyonews.net
Hargaysa Desk









