Hargeysa (AN)Xog ururin caafimaadka iyo shaqada ah ayaa lagu ogaaday tobanka shaqo ee hoos u dhaca keena, hoos u dhacaas oo looga jeedo niyad jabka, murugo, dareen ah in qofku waxba ku fiicnayn, iyo xiise la’aan aan qofku danaynayn hawsha uu qabanayo. Xogtan oo ay diyaariyeen khubaro caafimaadka maskaxda ku takhasusay oo reer galbeed ah laguna soo bandhigay barta internetka ee health.com waxa lagu waraystay dad ka shaqeeyo meelo kala duwan, kuwaas oo la qiyaasay boqolkiiba inta qof ee ka cabanaya daalka., welwelka iyo niyad jabka ka dhasha shaqada.