Madaxwayne Siilaanyo oo fariin cad udiray dawlada Somaliya

0

Hargaysa(AN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Somalia u soo jeediyay inay joojiso hadalada carqaladaynaya wada hadalada labada dal u socda.

Waxa uu sheegay inaanay aqbali doonin faro galin Somalia ku samayso arrimaha ka socda gudaha Somaliland

“. Waxaan Somalia ku boorrinayaa inay ka fogaato ka hadlida Arrimaha Somaliland khuseeya, waayo? Waxa kaliya oo ay waxyeelaysaa wada hadalada Socda. Somaliland ma aqbali doonto Nooc kasta oo faro galin ah oo lagu sameeyo Xuduudaheeda. Gefaf kasta oo nagaga yimaada Jaarkayaga waxaanu uga jawaabi doonaa si lamid ah” ayuu Bartiisa Twitter-ka ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Fariintan Madaxwayne Siilaanyo udiray dhigiisa dawlada Somaaliya ayaa ku soo beegmaysa xili sheegasho qaawan ay warbaahinta usoo mariyeen dhulka S/land taas oo ay soo faragaliyeen madaxda Somaliya Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo hawlo macdan qodis ah ka wada gudaha S/land

Sidoo kale wadahadaladii usocday S/land iyo Somaaliya  kii ugu danbeeyey ee ee ay ku yeesheen dalka Jabuuti Madaxwaynayaasha S/land iyo Somaaliya ayaa heshiis yadii halkaas lagu gaadhay waxa kamid ahaa  in labada dhinac ee Somaaliland iyo Somaaliya dhanka horamirinta mid kastaaba kakale aanay ka carqaladayn ,talaabadaas oo haatan umuuqata mid aanay dawlada Somaliya dhag jalaq kasiin taas oo laga dhur sugayo talaaboyinka danbe ee Xukuumada S/land kaga arinsanayso sheegashada qaawan ee markasta ay ku andocoonayaan Madaxda dawlada Xamar dalka S/land iyo halka uu kudanbayn doono wadahadaladii labada dhinac

 

Arabsiyonews.net

Hargaysa Desk