Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Deegaamo ka mida gobolka Galgaduud

0

Itoobiyaan

Ciidamada Itoobiya ee u jooga Soomaaliya howl galka AMISOM ayaa xalay isaga baxay deegaamo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen, deegaamadaa ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin Ceel Garas iyo Ceel-la-helay.

Ciidamada ayaa u bxay dhankaa iyo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel lamana oga sababta ay ciidamadan uga baxeen deegaamadaas ay horay uga saareen kooxda Al-shabaab.

Warar laga helayo maamulka gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamadan ay deegaama uga baxeen qaab bedelaad ah iyagoo lagu bedelay ciidamo kale oo Itoobiyaan ah balse aan weli gaaran deegaamada ay ka baxeen.

Dadka deegaamada ay ka baxeen Itoobiyaanka ayaa cabsi ka muujiyey bixitaanka ciidamadan iyaoo sheegay in ay ka cabsi abaan in xoogag ka tirsan Al-shabaab oo aan ka fogayn deegaamadaa ay gudaha u soo galaan dhibaatana u geysta shacabka.

Ilaahada saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan, Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo madaxda AMISOM ayaan si rasmi ah uga hadlin bixitaanka ciidamadan