Burco (AN) Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay inuu Xidhay Xarunta Shirkad laguma magacaabo Tiens oo dawooyin iibisa ku lahayd Burco. Waxa uu sheegay inuu fahmi waayay qaabka ganacsi ee shirkaddaasi.
Badhasaabku waxa uu sheegay in markii uu xilka la wareegay uu amray in la xidho balse haddana u dhawaan ku war helay xaruntaasi oo shaqaynaysa “Runtii baryihii aan imidba waan xidhay meesha, haddana dhawaan ayuun baan arkay iyadoo furan, meeshaas markaa waanu xidhnay” ayuu yidhi Badhasaabka oo u waramay Royaltv.
Badhasaabka Togdheer oo ka hadlaya sababta loo xidhay Xaruntaasi ganacsi waxa uu yidhi “Meeshaas waanu xidhnay Waayo? Waanu garan wayna ganacsiga meesha.Ganacsiga halkaas ku jiraa wuxuu noqday mid aan ahayn ganacsigii caadiga ahaa, waanu garan waynay ma Khamaar baa? Ma Jiif oo jaqdiibaa? Waanu fahmi weynay”
Badhasaabka ayaa iftiimiyay qaabka Shirkaddaasi u shaqayso “Waxa lagu odhanayaa Intaas oo lacag ah soo Shub, waxa lagu odhanayaa $200 Dollar bixi oo Dawo ah, Dhawr qof keen oo iibsada ama bixiya $200 Dollar, Marka aad 200 Dollar bixisid waxa lagu siinayaana waa Kiniin yar iyo Kiriim, markaa waanu fahmi waynay ganacsigaasi wuxuu yahay”
Badhasaabku waxa uu sheegay inay xabsiga u taxaabayaan cida dib u furta Xaruntaasi “Dawladda hoose waxaan ku idhi Quful aad idinku leedihiin meeshaa ku xidha,cida furtana Madheera ayaanu u taxaabaynaa oo hadal ma jiro”. Waxa uu sheegay in Wasaaradda ganacsiga iyo Caafimaadkuba fahmi waayeen habkan ganacsi islamarkaana ruqsadaha kala noqdeen.
Shirkadda Tiens, ayaa la sheegay inay xidhiidh la leedahay Shirkadda Magacaas leh oo Chiness ah islamarkaana hadda ay halkan wakiilo uga yihiin dhalinyaro Somaliland ah oo dawada soo Iibsada balse bulshadu fahmi wayday hab ganacsigooda.








