Hargeysa (AN) Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa diiday inay iibisay wax dhul ah oo ka mid ah xayndaabka wasaaraddaasi ka dib markii Salaasaddii mid ka mid ah wargeys-yada Hargeysa ka soo baxaa sheegay in qayb ka mid ah Xayndaabka wasaaradda la iibiyay.
Faysal Cali Sheekh Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa sheegay inaanu jirin dhul ay iibiyeen “Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanu jirin wax dhul ah oo aanu iibinay haddii aanu nahay wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta. wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiintu qaranka uguma xilsaarna arrimaha dhulka iyo iibintooda mana hayno oo namay soo gaadhin wareegto madaxweynuhu nagu armayo in la iibiyo qayb ka mid ah xarunta wasaaradda. sidaa darteed warkaasi waxaanu u aragnaa mid been abuur ah oo an wasaaraddu wax lug ah ku lahayn”
Wargeyska ayaa sheegay in subaxnimadii Isniinta muran ka taagnaa Iibinta dhulkaasi ka dib markii Wasaarada hawlaha guud iyo wasaaradda Boosuhu isku qabteen iibintiisa balse aanay suuro galin in Masuuliyiinta wasaaradda Boosuhu xiligaas wargeyska wax war ah siiyaa ka dib markii ay ka gaabsadeen








