Xaalada dalka Libiya oo sii cakirmaysa iyo jamacada carabta oo ka shiraysa

0

Qaahira(AN)Jaamacada Carabta ayaa qabanaysa shir deg deg ah oo ay uga hadlayaan sidii wax looga qaban lahaa dagaal ka socda bilooyin waddanka Libya oo ay boqolaal qof ku dhinteen.
Ben Helli, ku xigeenka xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta, ayaa sheegay in dhaqaalaha Libya ay qasaaro ka soo gaartay weerarka lagu hayo kaabayaasha dhaqaalaha ee shidaalka.
Afhayeenka ciidamada cirka ee Libya ayaa u sheegay wakaalad war oo Faransiis ah, inay ku weerareen markab Gariiga laga leeyahay Dekadda Derna. Ilaalada badda ee Gariiga ayaa sheegay in laba shaqaalaha markabka ay dhinteen.

 

Arabsiyonews.net

Hargaysa Desk