Hargeysa(AN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo wefti heer qaran ah oo uu hogaaminayo Ayaa la filayaa inay Maalinta beri ah Safar ugu baxaan Gobolada Bariga ee Somaliland.
Ujeedada socdaalka weftigan Culus ee Madaxweynuhu horkacayo ayaa la sheegay inay daaran tahay Kormeerka uu kusoo marayo goobaha Sida habsamida ah ay uga socoto dhisamaha dhabada laamiga ah ee isku xidhi doonta gobolada Sanaag Iyo Togdheer.
Sida la sheegayna waxa weftigan Madaxweynaha Qayb ka ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Siiba Wasiirka Madaxtooyada ahna gudomiyaha Haayada horumarinta Wadooyinka Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo Wasiirada Cadami iyo Cadani Marwada Kobaad iyo madax kale.
si kastaba ha ahaatee Wadada dhismaha Ceerigaabo ayaa mudooyinkii udanbaysay wax hadal ah laga helin halka ay marayso iyadoo maanta ay soo gaadhay dhismaha wadadaas deeq ka timid jaaliyada Maraykanka ayna ka gudoomeen Gudiga wadadaas
Arabsiyonews.net
Hargaysa Desk








