America (AN) Booliska Mareykanka ayaa sheegaya in gabadh yar oo ka bad baaday shil diyaaradeed, hadda laga saaray cisbitaal ay ku sugneyd.
Gabadha oo 7 jir ah ayaa kasoo lugeysay halka ay qoyskeeda diyaaradda kula dhacday, iyada oo soo socotay masaafo ka badan hal kilo mitir, si ay caawimaad u raadsato.
Shilka ayaa ka dhacay meel keyn ak oo ku taalla gobolka Kentucky.
Gabadha ayaa timid guri halkaa ka dhowaa, waxaana dadkii joogay ay u sheegtay in qoyskeedii uu ku dhintay shilka diyaaradda.
Kooxaha samata bixinta ayaa markii dambe deegaankaasi ka helay meydadka waalidka gabadha, gabadh la dhalatay iyo qof ehelkooda ah.
Diyaaradda qoyska siday ayaa burburtay kaddib markii ay hawada xumaatay.