Hargeysa (AN) Dalladda ururrada dhallinyarada Somaliland ee (SONYO) ayaa waxay toddobaadkii hore qabsatay shirweynihii 7-aad, kaasi oo la doonayey in lagu soo doorto hoggaanka cusub ee labada sanadood ee soo socda, maadaama oo hoggaankii hore ee Mubaarig Ismaaciil Taani guddoomiyaha u ahaa wakhtigu ka dhamaaday.