Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer Oo Xukuumadda Somaliland Uga Marag Kacay Waxqabad, Farriin Midaysanna U Diray Mucaaridka

0

download-3-150x150Burco (AN)  Madax dhaqameedka iyo Cuqaasha Gobolka Togdheer oo isu dhan ayaa markii ugu horeysay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga marag kacay inay dalka ka hirgelisay waxqabad muuqda.

Cuuqasha ugu miisaanka culus Gobolka Togdheer  iyo odayaasha Gobolkaas oo hadallo ka jeediyay kulan la yeeshay Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Md. Xirsi Cali Xasan isla-markaana ay wehelinayeen Wasiiru dawlaha Maaliyada iyo Wasiir ku-xigeenka Beeruhu, ayaa fariin midaysan waxay u direen Mucaaridka. Iyaga oo sidoo kalena masuuliyiinta dawladda u qadimay baahiyaha gobolkaasi yaalla ee u baahan in wax laga qabto.

Jiif Caaqil Baashe Cabdillaahi Ibraahim oo ka mid ah Cuqaasha ugu miisanka culus Gobolka Togdheer, ahna Je

iifka Caaqilka Beesha Muuse Care oo ka hadlay kulankaas ayaa yidhi “Xukuumadda maanta joogta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, runtii wax qabad ballaadhan ayay dalka ka hirgalisay, waxaas ay qabtay waxa u fiican inay doorashada ku qabto oo sheegato wax qabadkeeda, ninka kursiga doonayana waxa  la gudboon inuu akhlaaq ku daro, oo aanu caytamin aflagaadana gaysan si asluub ah wax u doono, waxa la gudboon inuu qiro waxqabadka ay Xukuumadda joogta qabatay, haddii kale markiisa ayuunba laga ciidayn.”

Guddoomiyaha Beesha Awal Bari, Axmed Nuur Faahiye oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa yidhi. “Annagu UDUB ayaanu ahayn oo waanu yara cadhaysnayn, walina meel hore kama hadlin waxaanse maanta aan qirayaa in Xukuumadda uu hoggaamiyo Seedigay Siilaanyo ay dalka waxqabad badan ka samaysay, waxaan markaas leeyahay ha loo daayo wakhtigiisa oo ha qaato, haddii loo kordhiyana waa wax aniga ii soo kordhay, Mucaaridkana waxaan odhan lahaa wixii aad doonaysan aflagaado iyo wax dadka kala fogeyna ha ku doonina, isna ixtiraama.”

Oday Diiriye Daahir (Diiriye Laangadhe) oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Togdheer, ayaa isna shacabka reer Burco ugu baaqay inay nabaddooda ilaashadan, waxaana hadalladiisi ka mid ahaa “Burco laba jeer ayaan is dhex taagay, iyadoo kuligeed dunsan waan is dhex taagay, intaan afarta jaho eegay baan idhi yaa yidhi Magaalada sidaa u dunsan ayuu rag leeyahay (ILAAHAY waa iga markhaati), waa taariikh ay soo martay. Laakiin maanta kuwo nabadda inoo dhaliyey oo inoo walaaleeyay oo nin ban in kale jecel yahay ayaa inoo dhashay oo aynu halkaa shaaha ku wada cabbeyno (Xukuumadda)…waxaan leeyahay aynu u qirn waxay leeyihiin, waayo waxqabadkeeda waa la isku raacay nin jecel iyo nin necebba, wixii hore waxan ay qaadaan (Cashuurta) ayuun bay qaadi jireen,  kuwanna dahab kale uma dhalan ee intii ayuun bay ka soomeen oo ay dadka wax ugu qabteen”

Suldaan Maxamuud Xaji Xuseen Nuur, oo kamid ah Salaadiinta Gobolka Togdheer ayaa isna baaq u diray Xukuumadda isagoo sheegay in Gobolka dakhli loo sameeyo “Burco waa Caasimaddii labaad ee dalka, waxaa ku nool bulshada labaad ee ugu ballaadhan waddanka, Gobolka wax dakhli ahi masoo galo, waxaan dawladda baaq ugu diraynaa in Xoolaha nool ee aanu qaniga ku nahay, ee siday u yaacayaan Berbera laga dhoofiyo, in Cashuurta wax looga jaro, oo nidaamka Cashuureed ee Gobolka wax lagu reebo, waa codsi aanu adkaynayno.”.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo isagu soo xidhay kulankaas, ayaa waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka Gobolka uga mahad celiyay hadaladii ay goobta ka jeediyeen. “Waan u mahad naqaya Waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka Gobolka, Xukuumad ahaan runtii waxaanu wax ku qabanay shilinka yar ee cashuurta ah oo aynaan dhammaan cashuurihii wajibay qaadin, oo aanu tashiilnay kuna mintidnay, Waxaanan idinku dar daaraya inay midowdaan, waxba qabyaaladu tarimayso, waxaan kaloo codsanayaa in lasoo nooleeyo Guddidii horumarinta Gobolka Togdheer, arrintaas Badhasaabka ayaa Xukuumadda uga oday ah idinkuna kala shaqeeya, waxqabadka waydinka ka markhaati kacay, wixii dhimana hadba awoodo siday tahay wax baanu ka qaban”