Mulkiilaha Shabakadda Facebook Oo Codsaday In Lagala Taliyo Waxyaabaha Uu Qaban Doono 2015-ka

0

images-6New York (AN) Mulkiilaha Shabalkada Facebook-ga, ayaa samaystay qorshe u gaar ah oo ku saabsan waxyaabaha u qorshaysan in uu sannad walba qabto, isaga oo sannadkii 2009–kii, ku darsaday waxa u qabanayo xidhashada Taay-ga Suudhka, halka uu sannadkii 2011-kii, uu qorshaystay in uu barto ku hadalka Luqada Mandarin, halka uu sannadkii 2011-kii, qorshaystay in uu cuno hilibka xayawaanka uu gacantiisa ku ugaadhsado.

Mulkiilaha Shabakadda Facebook-gu uu u soo bandhigay dadka Isticmaala Facebook-ga oo tiradoodu ay kor u dhaaftay 1.35 bilyan oo qof, fikradahooda ku wajahan waxa ay la tahay in uu qabto sannadka 2015-ka, waxaanu yidhi

” Waxaan fikrado ka haystaa waxa aan qabanayo sanndka soo socda, laakiin guud ahaan sannad walba waxa aan u

 qaataa, in aan doorto waxa aan qabanayo, si aan u ballaadhiyo argtiyahayga, una barto waxyaabo ku saabsan caalamka ka baxsan shaqada facebook-ga”,

”Waxaan fikir ka haystaa waxa ay noqon karto waxqabadkayga shakhsiga ah ee kan xiga, laakiin waxa aan u baahanahay afkaaro badan, ka hor inta aanu sannadk cusubi si rasmi ah u bilaabmin”

Waxayaabaha kale ee uu mulkiilaha shabakadda Facebook-gu, hore ugu qaatay sannadihii dhawaa in uu qabto waxa ka mid ahaa, In uu maalin walba la kulmo qof cusub oo aan ka shaqaynin shabakada Facebook-ga, iyo in uu maalin walba qoraal mahadaq ah u qoro dadka dunida ku soo kordhiya wax wanaagsan.

Afar saacadood gudahood, markii uu qoraaladaa ku daabacay barta uu Mulkiilaha Shabakada Facebook-gu ku leeyahay Facebook-ga, waxa fikirkooda ka soo dhiibtay dad tiradoodu ka badan tahay 26 kun oo qof, iyaga oo u soo jeediyay soo jeedino kala duwan, iyaga oo jawaabo uu ku siinayay jawaabana ay is waydaarsanayeen oo uu ku siinayay fikirkiisa.

Dadka ay fikradaha is waydaarsanayeen ayaa u soo jeediyay Mulkiilaha Shabakada Facebook-ga in uu maalin walba ordo masaafo gaadhaysa hal mayl, xilliyada roobka ah ama cadeeda ah, waxaanu ugu jawaabay”Waa fikir aad u xiiso badan”, waxa kale oo ay dadku u soo gudbiyeen in uu barto qalabka Muyiisiga, waxaanu ugu jawaabay in ay fikrad weyn tahay, waxaanu u sheegay in uu bartay qaabka loo garaaco Giintaarka, balse aanu ku xariif ku ahayn oo uu sii kordhin doono barashadiisa.

Sidoo kale, qof kale ayaa kula taliyay in barto qoob ka ciyaarka, isaga oo ugu jawaabay in xaqiiqdii ay tani ahaan doonto waxa aan qorshaynayo in aan qabto, halka qof kale uu kula taliyay in uu bil kasta akhriyo buug cusub, waxaanu ugu jawaabay Mulkiilaha Shabakada Facebook-gu, in uu xaqiiqdii si weyn uha helay fikirkan

Dalab uga yimi Mulkiilha Facebok-ga qof kale, kaas oo ahaa in ay Shabakada Facebook-gu ku dadaasho in Muslimiinta kala qeyb qaadato munaasibadaha dabaal-dega ciidaha fasaxyada Muslimiinta, ayaa waxa ugu jawaabay in uu soo dhawaynayo in Muslimiinta kula dadaalo ka qeyb qaadshashada munaasibadaha ciidaha fasaxyada Muslimiinta, Laakiin Mulkiilaha Shabakadda Facebook-gu, waxa uu ku adkaystay fikradaha uu u baahan yahay in ay dadku kala qeyb qaataan ay yihiin kuwo isaga ku saabsan, ee aanay ahayn kuwo Facebook-ga ku saabsan oo ahaa kuwa ay dadku u badan yihiin in ay ka hadlaan.

Mulkiilaha Shabakada Facebook-ga, markii ay dadku u qorayeen qoraalada fikrada soojeedimaha ah ee ahayd in uu Bible-ka akhriyo, iyo in uu duubo heesaha Hip-Hiop-ka ah, ayaa weli ah qaar weli aanu ka soo jawaabin Mulkiilaha Shabakadani oo isaga ;laga sugayo