Doon Ay Leeyihiin Ganacsato Soomali Ah Oo Ku Gubatay Dalka Cuman

0

dab-doon-319x170Salalah (AN) Doon ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali ayaa ku gubatay dekkada magaalada Salalah ee dalka Cumaan.

Doontan oo lagu magacaabo Al Yaasiin ayuu dab xoogleh qabsaday xalay saqdhexe sida ay sheegeen saraakiisha dekkada Salalah.
Doontan ayaa xoolo nool oo laga keenay Soomaaliya keentay dekkada gobalka Dhofar ee dalka Cumaan.

 Ciidamada dab-damiska iyo kuwa bada ee cumaan oo u gurmaday doontan ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen 15 nin oo ka shaqeenayey doontaasi. Waxaana la sheegay in hada baaritaan lagu wado doontan gubatay.

Dab-damiska ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay inay dabkaasi damiyaan subaxnimadii Arbacada saacadu markay ahayd 6dii aroornimo