SAMAROON, Haddii Ay Wax La Qaybsan Waydo Saddex Habrood Oo Reer Sheekh Isaxaaq Ah, Ma Boqolka Milyan Ee Itoobiya Ayaynu Wax La Qaybsan Kareynaa Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland
Borama (AN) Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ahaa wefti Wasiirro ah oo Maalmihii u dambeeyay Magaalada Borama u joogay xaaladda uu gobolka Awdal ka abuurey Suldaanka Fallaagoobay, ayaa shalay si adag ula hadlay dadweynaha gobolkaasi, gaar ahaan kuwa uu Suldaan Wabar sida dadban ugu adeegsanayo kicinta dadka deegaanadaasi.
Wasiirka oo ka hadlayey shir jaraa’id oo isaga iyo Wasiirka arrimaha Guduhu ku qabteen Magaalada Borama, ayaa sidoo kale farriin u diray xisbiyada Mucaaradka ah iyo saxaafadda oo uu ku eedeeyay inay u badan yihiin baahinta xumaanta, isla-markaana ay mar walba u xagliyaan cidda aan runta sheegayn “Saxaafadda waxaanu ka codsanaynaa in waxaa wanaagsan ee horumarka ah ee waddankiina aad ku aragtaan inaad nagu garab gashaan” ayuu yidhi, wasiir Abgaal oo intaasi raaciyey inaan xukuumaddu ka baryi lahayn saxaafadda inay wanaagga baahiso, haddii buu yidhi xukuumadda doonayso dhibaato “Annaga oo aan idinka baryeyn inaad noo qarisaan, haddaanu xumaan iyo dhib wadno. Niman yahow (saxaafadda) xaaladaha dalka ka jira haddaad garab yaacdaan oo aad dhanka xumaanta u badataan, ogaada waddanka waad nala leedihiin oo xil baad ka haysaan, kamaradahaa aad wax igaga duubaysaan waa xil aad haysaan. Sidaa daraadeed waxaan idinkula talinayaa inaad samaha u badataan oo xumaanta iyo dhibaatada aydaan u gargaarin”
Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal, waxa kale oo uu sheegay in aanay Borama oolin dhibaato ay ka faa’ideystaan dadka xumaha ka shaqeeyaa “Dadka xumaanta doonaya waxaan u sheegayaa in aanay Borama ka jirin xumaan ay ku biirsadaan xumihii ay doonayeen” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey isla-markaana xisbiyada ka codsaday inay dadka reer AWDAL ka dayaan kicinta “Xisbiyada tartanku naga dhexeeyo waxa ku jira rag wax ku lahaa tabashada reer AWDAL oo wax ka geystay, laakiin imika markii reer AWDAL ay isla garteen inay xukuumadda si sharciya u waydiistaan wixii ay tabanayaan maaha inay xoqaan (Mucaaradku) mar walba oo ay yidhaahdaan reer Awdal wax baa ka maqan. Waxaan leeyahay ka daaya, waayo reer AWDAL hadday wax ka maqan yihiinna waxay kaga maqan yihiin dalkooda, laakiin xisbiyada Mucaaradka ah kagama maqna”
Wasiir Abgaal, waxa uu beeniyey warar shacabka ku faafay, kuwaasi oo sheegayey in dawladda Itoobiya taageerayso Suldaan Wabarka Fallaagoobay “Warka dadka lagu Maaweelinayo ee la leeyahay Itoobiya ayaa la jirta (Suldaan Wabar) waa wax aan jirin oo been ah. Itoobiya waa dawlad ka weyn in la yidhaahdo waxay la jirtaa (Suldaan Wabar) oo dad bay soo waddaa (Ciidan), waxaan leeyahay waxaasi ma jiraan ee yaan dalalka deriska ah lagu gefin” ayuu yidhi.
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan oo u badan dhanka ammaanka, waxaanu yidhi “Xukuumadda Somaliland iyo dawladda Itoobiyana waxa ka dhexeeya wada shaqeyn iyo nidaam fiican oo weliba xagga amniga u badan”
Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu sidoo kale farriin u diray beesha Samaroon “ILAAHAY baan idinku dhaariyee, Markaynu nahay SAMAROON, haddii aynu saddex habrood oo reer Sheekh Isaxaaq ah oo midba mid waxba u ahayn wax la qaybsan waynno ama uu walwal innaga galo inaan halkaa (AWDAL) ku noolaan karno ama la noolaan karno, waar ma boqol Milyan oo konton qoomiyadood ah, haysta konton Diimood oo kala duwan, konton luuqadood oo kala duwan ku hadla ayaan wax la qaybsan karaa oo aan ku dhex noolaan karaa, sow magaca Samaroon ba ha baaba’o maaha”ayuu yidhi, Wasiir Abgaal.