Hargaysa(AN)Marxuum Maxamed Rashiid Maxamed Faarax oo ahaa Xoghayihii ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa maanta oo Salaasa ah lagu aasay magaalada Hargeysa.
Marxuumka ayaa maalintii Isniintii ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo loo geeyey dhaawac kasoo gaaray shil gaari.
Maxamed ayaa bartamihii bishan December shil gaari ku galay duleedka magaalada Berbera, halkaasi oo uu dhaawac culus kasoo gaaray.
Meydka marxuumka ayaa subaxnimadii Salaasada la keenay magaalada Hargeysa halkaasi oo isla saaka lagu aasay.
Dhamaan bahda ArabsiyoMedia ayaa halkan tacsi uga diraya ehelada iyo Qaraabada uu ka geeriyooday marxuumka.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








