Hargeysa (AN) Gudoomiyaha daladda shalinyaradda somaliland ee sonyo ayaa goor-dhawayd lagu doortay shirwyane ergooyinkii daladdu ku yeesheen hotelka dalxiis ee magaaladda hargeysa
shirwaynahan ayaa lagu doortay mr Cabdicasiis Xirsi Warsame uu noqdo gudoomiyaha cusub ee daladda dhalinyaradda somaliland ee sonyo tiradda guud ee codka siisay cabdicasiis ayaa ahaa 74 ergo halka gobolada saaxil & awdal aanay iyagu ka so xaadirin madasha gudoomiyaha lagu dooranayay tiradda guud ee ergooyinka codaynaysay ayaa ahayd 124 iyadoo 74 kamid ahi codkooda siiyeen cabdicasiis waxaanu cabicasiis sidaas ku noqonayaa gudoomiyaha rasmiga ah ee daladda dhalinyaradda somaliland ee sonyo
dhanka kale isku day xukuumaddu ku doonaysay inay shirka ku joojisyo ayaa dhicisoobay iyadoo ciidanka RRU-du goobta yimaadeen markii ay dhamaatay doorashadu
Sikastaba ha ahaatee Dalada Sonyo ayaa guulo gaadhay mudadii ay jirtay walow dhalin yaro aad utiro badan mudooyinkii udanbeey ka cabanayeen daladaas iyo hanaanka ay u maamusho adeegyada iyo barnaamijyada lagu horumarin lahaa da’ayarta S/land oo uu halakeeyey shaqalaan iyo Tahriib
Sonyo ayaa umuuqata maanta mid ku fashilantay hanaankii dimuqraadiyada ee mudada dheer ay ku faani jireen waxaanay hadii aan xal loohelin dhabaha saaraysaa burbur iyo kala jab ku yimaada halkii ay taagnayd waxaanay dadka qaar aamin sanyihiin ay ku socoto halkii ay mareen dalado iyo ururo gayiga S/land wakhtiyada qaar sumcad kulahaa iyagoo soo qaatay Tusaale ahaan Shuuronet
Arabsiyo.net
Hargaysa Desk








