Markab dad badan sida ayaa dab ku qabsaday meel u dhaxeysa jasiiradaha Girgiiga iyo Talyaaniga, maalinimadii Axadii.
Waxaa maanta oo Isniin ah weli socda gurmadka lagu badbaadinayo dadkii boqolaalka ahaa ee saarnaa markabkaasi oo lagu magacaabo Norman Atlantic.
Saaka oo isniin ah ayaa boqolaal dadkii markabkaasi saarnaa la geeyey dekkada magaalada Bari ee dalkaasi Talyaaniga.
Ciidamada bada ee Talyaaniga oo markabkaasi u gurmaday ayaa sheegay in hada lasoo badbaadiyey 351 qof oo markabkaasi saarnaa.
Tiradda guud ee rakaabka markabkaasi ayaa ahaa 478 qof, waxaana la sheegay in weli ay markabka dabka qabsaday ay dulsaaran yihiin 123 qof, halka la sheegay in 4 qof ay dhinteen.
Arabsiyonews.com
Roma office








