Ninka la dilay ayaa noqonaya kii 11-aad ee dadka Axmadiyiinta dalka Pakistan looga dilo sanadkan.
Axmadiyiinta ayaan dalkaasi looga aqoonsaneyn Muslimiin, in kasta oo ay iyagu sheegaan in ay haystaan diinta Islaamka.
Pakistan ayaa sanadkii 1974-tii ku dhawaaqday in dalkeeda aan dadka Axmadiyiinta Muslim looga aqoonsan karin.
Qaar ka mid ah culimada Muslimka ah ee Pakistan ayaa qaba in uu banaanyahay dilka dadka Axmadiyiinta, qofkii Muslim ah ee dilana uu janada ku galayo.
Qaar ka mid ah culimadaasi ayaa daabacay cinwaannada guryaha ay Pakistan kaga nool yihiin dadka Axmadiyiinta.
Axmadiyiinta ayaa rumeysan in ninka bilaabay caqiiqadooda lagu magacaabo Mirza Ghulam Ahmad, uu nebi ahaa. Waxa uu dhintay sanadkii 1908-dii.









