Aaska Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax Oo Guddi Qabanqaabo Loo Magacaabay

0

Capture

Hargeysa (AN) Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa Guddi Qaban qaabo u Magacaabay Aaska Geerida Xoghayihii hore SOLJA Maxamed Raashid Muxumed Faarax oo Xalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Nairobi, waxaana Maalinta Barri ah  lagu Aasaya  Magaalada Hargeysa.

Mudane Xuuto waxa uu Ehelada iyo Bahda Warbaahinta ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Maxamed-rashiid.

Magacyada  Gudidu waxay kala Yihiin.

  1. Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi jaamac (Xuuto)
  2. Guddomiyihii Hore ee SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf
  3. Mawliid Maxamed Shaqale
  4. Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Khadar Cali Gaas
  5. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
  6. Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Sheekh
  7. Xukun Saleeban Jirde.