Madaxweynaha Yugandha (Uganda) Yuweri Kaguta Musefeni ayaa booqasho sadex maalmood ah Jimcihii ku tagay Addis Ababa caasimada dalka Itoobiya ahna xarunta Midowga Afrika.
Musefeni ayaa soo dhaweyn balaaran kala kulmay xukuumada Itoobiya, waxaana madaarka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin sar sare oo uu hogaaminayo Raysalwasaare Hailemariam Desalgn.
Hogaamiyaha Yugandha ayaa Itoobiya kala hadlay iskaashiga ganacsiga iyo xiriirka labada dal, waxayna sidoo kale ka wadahadleen xaalada dalalka Soomaaliya iyo Sudaanta Koonfureed.
Labada dal ee itoobiya iyo Yugandha ayey kasoo jeedaan tirada ugu badan ee ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee hawlgalada ka wada koonfurta Soomaaliya, waxaana dhawaan lagu wadaa in Itoobiya ay ciidamo dheeraad ah u dirto gobalada Jubooyinka.
Yugandha ayaa dhinaceeda dooneysa in ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya sare loogu qaado dhaqaalaha mushaharka ku siiyaan beesha Caalamka, isla markaana doonaya in lagu taageero diyaaradaha dagaalka ee Helikobterka.
Labadan wadan ayaa doonaya inay sidoo kale iska-kaashadaan sidii xal looga gaari lahaa loona hirgelin lahaa heshiiskii nabada ee la dhexdhigay xukuumada Suudaanta Koonfureed iyo mucaaridka hubeysan ee la dagaalamaya.
Yuweri Musefeni ayaa illaa iyo hada diidan in ciidamada Yugandha ka jooga Suudaanta Koonfureed halkaasi laga saaro, arrintaasi oo ay codsadeen mucaaridka Suudaanta Koonfureed ee uu hogaamiyo Riek Machar.
Dowlada Yugandha ayaa ciidamo ay u dirtay dalka Suudaanta Koonfureed la sheegay inay gacan military ay siinayaan ciidamada Xukuumada Suudaanta Koonfureed ee uu hogaamiyo Salfakiir.
Xukuumada Yugandha ayey mucaaridka Suudaanta Koonfureed ku eedeenayaan inay si toos ah ugu jirto dagaalka salka ku haya ganacsiga batroolka ee ka socda wadankaasi dhawaan madax-banaanida helay.
Arabsiyonews.com
Kampala office








