madaxweynaha somaliland oo kuuli ugu jabtay magaalada berbera

0

images-41-150x150Berbera (AN)  Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay galab safar aan la sii ogeyn u tagay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

Madaxwaynaha ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaysa Marwada koowaad ee qaranka, Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-weris) iyo xubno kale oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Somaliland.

Lama oga ujeeddada dhabta ah ee safarka Madaxwaynuhu ku tagey Magaalada Berbera, laakiin markii uu gaadhay halkaasi ayaa waxa soo dhaweeyay masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Maamulka degmada Saaxil iyo weliba Maareeyaha dekedda Magaalada Berbera.

Dhanka kale, Madaxwaynaha oo xalay ku dhaxay guriga Martida ee Magaalada Berbera, ayaa waxa la filayaa inuu saaka gaadho degmada Sheekh oo ka mid ah gobolka Saaxil, halkaasi oo ay ka socoto dayactir lagu samaynayo jidka Laamida ah.