Col.Cali Adam Xaamud ayaa sheegey in uu weli yahaya mid ka mid ah afhayeenada AMISOM, isaga oo la hadley Radio Barkulan.
Cali Xaamud ayaa sheegey in aysan jirin xil laga qaadey isla markaana si caadi ah u wato shaqadiisa.
War qoraal ah oo ka soo abxay AMISOM maalintii shalay loona direy saxaafadda ayaa lagu sheegey in AMISOM caddeyneyso in Xaamud aanu ahayn afhayeenkooda, kadib markii waraysiyo uu bixiyey uu ku saleeyey fikradihiisa shakhsiyaeed. Xaamud ayaa sheegey in dhici karto in al-Shabaab aysan keli ku ahayn weerarkii Xalane ee ay jiraan gacmo la shaqeeyey.
AMISOM ayaa sheegtey in afhayeenka rasmiga uu yahay ELOI Yao hadda kadibna Xaamud wixii uu sheego ay tahay aragtidiisa.
Weerarkiilagu qaadey Saldhiga Xalane ee Muqdisho ayaa jaahwareer ku ridey AMISOM, kadib markii warar badan oo is khilaafsan ay ka soo baxeen.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








