Berbera(AN)Madaxwaynaha somaliland axmed maxed maxmuud (silaanyo ) waxa uu maanta safar ku tagay magaalada berbera . Madaxwayne Siilaanyo ayaa si mug leh loogu soo dhaweeyey dhamaan deeganada udhaxeeya Hargaysa Berbera ,
madaxwayne silaanyo ayaa la filayaa inuu maalinta barito ah xadhiga ka jaro barxada cusub oo lagu soo kordhiyay dekeda berbera .Barxadaasi oo la dhigo Kornteenasirka ka soo dega dekeda .
Madaxwaynaaha iyo Waftigiisa ayaa lagusoo dhaweey Magaalada Barbara iMadaxda kala duwan ee Gobolka Saaxil ayaa soo dhawaynta madaxwaynaha ka qayb qaatay
Dekeda berbera waxa ay hore uga koobnayd laba qaybood oo ay kala dhiseen dawladihii ruushka iyo maraykanka .qaybta sadexaad ee la filayo Madaxwaynuhu in uu xadhiga ka jaray ayaa ah qayb dawlada somaliland hirgalisay iyadoo SHaqaala waynaha ka shaqeeya dekeda berber barxadaa inta ugu badan ay ku dhiseen iskaa wax u qabso
Arabsiyo.net
Berara Office








