Cumar Cabdirashiid oo faahfaahin ka bixiyey qorshihiisa siyaasadeed

0

DSC00014Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta oo Jicme ah marti u ahaa Radio Muqdisho/SNTV waxaana uu faahfaahin ka bixiyey qorshiisa siyaasadeed, mudaddii barnaamijku socdey dadka dheagaysanayey ayaa su’aalo soo weydiiyey Raysalwasaaraha.

Raysalwasaaraha ayaa ugu horeyn ka hadley isbeddelka dalka ka dhacay muddadii ka danbeysey 2011, waxaana uu sheegey in iyagu ay ahaayeen Cagaf-cagaftii wax badan xaaqdey, dhismaha ciidankana ay iska lahaayeen iyo qoritaankii Road Mapka.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegey in xukuumaddiisa cusub aaney ka badnaan doonin 25 Wasiir kuwaas oo karti iyo aqoon ay ku soo xulayaan, waxa uu xaqiijiyey in qaar kamid ah golaha wasiirada ee xukuumaddii Cabdiweli Shiikh ay soo laaban doonaan oo ka mid noqon doonaan Wasiirada cusub.

Mar kale ayuu ka hadley xiriirka gobolada iyo dowladda federaalka, iyo dhismaah maamulada dhiman.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa hoosta ka xariiqey, in ay la dagaalmi doonaan al-Shabaab dalkana ka xoreyn doonaan inta ay joogaan, sidoo kale ay la dagaalami doonaan fikirka xagjirka ah oo loo badbaadin lahaa dhalinyaro badan oo la qadey lagana soo saaro dhibaatada ay ku dhex-jiraan.