Xubno ka tirsan Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa degta oo sida ay sheegeen ka madax-bannaan labada arrimaha Siyaasadda iyo dhinacyada isku haya hanka Madaxtinnimada Xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo ka dib, ayaa Shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan inay beeshu dib ugu noqoto wixii laga soo gudbay qarniyo hore ee ahaa qabiil qabiil iyo reer-hebal, waxaanay ku taliyeen inay beeshu ka fogaadaan wixii meeqaamkooda iyo midnimadooda wax u dhimaya.