Hargaysa (An) Ciidamada qaranka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Kamaandowska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa shalay gaadhay magaalada Qulujeed ee gobalka Awdal, iyagoo doonaya inay soo qabtaan Suldaan Wabar oo la tuhunsanyahay inuu jiidaas ku jiro.
Laba guuto oo ka tirsan ciidamada Kamaandoowska ayaa gaadhay jiidaas, iyagoo abaari doona deegaano ay hay’adaha sirdoonka Somaliland aaminsanyihiin inay Suldaanka iyo kooxaha la socdaa ku dhuumaalaysanayaan islamarkaana ay ka soo dirayaan farriimo hanjabaad ah.
Si kastaba ha ahaate, labadan guuto ayaa la filayaa inay maanta bilaabaan hawlgalka ay ku raadinayaan Suldaan Wabar oo la tuhunsanyahay inuu ku jiro deegaanada ay ciidanka qaranku abaareen.








