Badhasaabka AWDAL, Cabdoo Axmed Aayar ayaa shacabka reer AWDAL ugu baaqey inay nabadgalyada ilaashadaan, isaga oo tilmaamay in ciidamada halkaasi la geeyay yihiin kuwo halkaasi ku tagay codsi ka yimid dhankooda “In badan ayaanu gudbinaynay in ciidamo la keeno gobolka Awdal oo xuduudo la leh dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, cadow badan oo Somaliland iska leedahayna ay jiraan, oo cadow shisheeye noqon kara, xagjir noqon kara. Ciidamadan Gobolka la keenayna waxay ka mid yihiin kuwo nabadgalyada Qaranka, waana ciidamo uu gobolku u baahan yahay in nabadgalyadiisa lagu ilaasho. Ciidamadu maaha kuwo dadka lagu cabudhinayo ee waa ciidan wanaagooda iyo nabadgalyadooda ilaalinaya gobollada AWDAL & SELEL”