Internet la’aan kajirta Waqooyiga Kuuriya

0

141202022606_kim_jong_un_512x288__nocreditKhuburadu waxa ay sheegayaan in Waqooyiga Kuuriya ay soo wajahday cilado internet oo aan horay loo arag. Iyada oo qaar ay sheegayaan in dhamaan Oline-kii uusan shaqaynaynin.

Arrintani waxa ay imaanaysaa kaddib markii Washington ay sheegtay in ay qaadi doonto jawaab u dhiganta weerarkii Internetka ee lagu qaday shirkadda Maraykanka ee Sony Pictures, shirkadaas oo samaysay filimkii shactirada ama madadaalada ahaa ee laga matalay hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.

Dhanka kalana Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in qorshayaashooda ay ku daraan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya inkasta oo arrintaasi ay ka biyo-diidanyihiin Shiinaha iyo Ruushku.

Sanadkan horaantiisii warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa hogaanka Koonfurta Kuuriya ku eedeeysay in uu gaysanayo tacadiyo baaxadwayn oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah