Beerdilaacshe gabay
Abwaanka suugaanta daboolka ka qaaday ee tiriyey silsilada
Abwaan[ dhako] waxaa gabayadiisii ka jawaabay [maxamed salebaan xirsi duuduu’raad burco]
- In dhowayd badaydii iyo tixdaydii baadh ismaan odhane
- Aanbilaabo maansooyinkiyo beer dilaacshaha’e
- Buluutoodka furo dhakooy yuu baasha kaa marine
- Bad madow mahiigaan burqaday buuro soconaaya
- Cirka baaxadaa liyo dhulkuu badiba gaadhaaye
- Madaafiic badheedh loo ridiyo boobe iyo suug dheh
- Bahalkiyo maroodiga hurdaa badow shuqeeyaaye
- Bulbuloow libaax buu shabeel baqayo moodaaye
- Waraabaha bartaa yuuraa belo istaadhaaye
- Baashaan istaagaa fuluhu badi ka yaacaaye
- Bayjkiyo araartaan naflaha badi ku laayaaye
- Bini’ aadam ruuxaan qabto bari xasuustaa
- Afartaa badaydiyo tixdii baraha waynayd dheh
- Baraar iyo sidii maxaamed nuur baal ma kaga keenay
- Buraale iyo cali jaamac iyo gun iyo baareed dheh
- Bawadkii salaam iyo qamaan barashadiisii dheh
- Boqol sano horteed baan murtida ku dheeraa
- Inaan manta kuu soo baxaa kuma banaanayn
- Hayeeshee adaa ii baaqayoo soo banana baxaye
- Bara wayne waakaa curtiyo beer dilaacshuhu
- Buluutoodka furo yuu dhakooy baasha kaa marine
- Barwaaqada iyo nabaddaad ileen buuqa dhalisaa
- Beri hore waxaad wayday baad belo ku doontaaye
- Bardoodankiyo faankaad shubtaad bili ku waydaa
- Raggii faqashta baa biyey baad beri ismoodaaye
- Biliqiyo maatada xaqdaad boob is leedahaye
- Baabuurta yaacdaad wadada baadhataa abide
- Bir magadadiyo dowladaad badiba caydaaye
- Bah ayaaya iyo reer abtaan kaa baxsanahayne
- Balli dhiig ilawdiyo halkaad barigii tiileene
- Buuryada halkaan kaaga jaray waa bartii waliye
- Buukaankii silaantiyo markay badi waraaqaysay
- Ninkii booqankari waayey ee baydadaad tahay
- Baaxuur adoon noqon cabsida looma soo baxo’e
- Bisinka iyo waluhu yey sidii bowlad kuu gubine
- Nin badhaasuq soo tiriya biidba siima leh
- Badhan ilaa saylac iyo booramiyo awdal
- Balli gubadle gaashaamiyo burciyo oodwayne
- Buuhoodle iyo laaska iyo bari guntiis oo dhan
- Dhulka baaxadaaliyo dalkaan badi’ ilaashaaye
- Badeenaba wixii soo galaan kor u bireeyaaye
Gabaygan waxaa curiyey abwaan maxamed salebaan xirsi
duuduu[raad burco] taariikhdu markay ahayd 18/12/2014









