Dhagayso Madaxwaynaha S/land oo kawar bixiyey Safarkay ku tageen Jabuuti iyo qodobo kale

0

Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ayaa ka soo degay Maanta garoonka Diyaaraha ee Egal International Airport,  ka dib muddo saddex maalmood ah oo uu dalka jabuuti ku joogay martiqaad uu madaxweyne geelle u fidiyey labada Dal ee Somaliland iyo Somaliya Madaxweyneyaashooda, kuna kala saxeexdeen heshiis 6 qodob ah.

Safarkaasi oo ku soo dhamaaday jewi wanaagsan ka dib waxa uu madaxweyne axmed maxamed Silaanyo ku soo guryo noqday Somaliland ama Dalkiisa hooyo gaar ahaan caasimadiisa Hargeysa.

Waxaana Madaxweynaha ku soo dhaweeyey Garoonka Masuuliyiin uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Masuuliyiin xukuumada ka tirsan, Cuqaal, Sulaadiin, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoon yahano, haween iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu Salaan sharaf ka qaatay tudub ka tursan ciidanka qarabka somaliland isaga oo Madaxweynuhu saf-saf u soo maray shacbigii qiimaha badnaa ee soo dhaweeyey kadibna waxa uu soo gaadhay qolka VIP-da ee garoonka diyaaraha, halkaasi oo uu saxaafada kula hadlay madaxweynuhu ugana waramay nuxurka kulankii ay saddexda madaxweyne yeesheen, iyada oo uu sidoo kale halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha Dibeda Somaliland oo isna ku nuux nuuxsaday ahmiyada qarankan ay u leedahay in aynu ka qaybgalno shirar noocan oo kale ah si qaranku u helo xaqiisa ugana mid noqdo beesha caalamka.

DSC_0267 DSC_0270 DSC_0272 DSC_0273 DSC_0276 DSC_0278 DSC_0279 DSC_0285 DSC_0292 DSC_0295 DSC_0302 DSC_0314 DSC_0318 DSC_0329 DSC_0340 DSC_0356 DSC_0363 DSC_0374 DSC_0390 DSC_0397 DSC_0416 DSC_0425 DSC_0430 DSC_0434 DSC_0442 DSC_0454 DSC_0458 DSC_0460 DSC_0467 DSC_0479 DSC_0521 DSC_0524 DSC_0525 DSC_0528 DSC_0531 DSC_0533 DSC_0538 DSC_0540 DSC_0543 DSC_0544 DSC_0546 DSC_0548 DSC_0550 DSC_0557 DSC_0561 DSC_0563 DSC_0565 DSC_0567 DSC_0571 DSC_0574 DSC_0583 DSC_0585 DSC_0586 DSC_0588 DSC_0593 IMG_1161 IMG_1174 IMG_1175 IMG_1183 IMG_1191 IMG_1192 IMG_1194 IMG_1209 IMG_1211 IMG_1216 IMG_1225 IMG_1233 IMG_1254 IMG_1261 IMG_1268 IMG_1273 IMG_1274 IMG_1278 IMG_1298 IMG_1312 IMG_1319 IMG_1325 IMG_1330

Arabsiyo.net

Hargaysa Desk