Booliiska New York oo Eedeeyey Duqa Magaalada

0

Ururka Iskaashatada ee Booliiska New York ayaa dilkii Sabtidii labo askari oo Booliis ah loo geystay ku eedeeyey inay sabab u tahay taageerada uu Duqa magaalada New York u muujiyey dadka mudaharaadka ka wada magaaladaasi.

Duqa magaalada New York Bill De Blasio ayey eedayn adag uga timid dhinaca Booliiska New York oo ku tilmaamay Duqa magaalada inuu si jilicsan u maamulay banaanbaxyada ka dhacayey todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada New York kuwaasi oo looga soo horjeedo dilkii ay Booliiska u geysteen bishii July nin madow oo aan wax hub sidan.

Ninkii fuliyey weerarkii Sabtidii lasoo dhaafay lagu dilay labada askari ee Booliiska New York ayaa bartiisa internetka ee Instgram ku shaaciyey in falkaasi uu ugu aargudayey dilkii ay Booliiska Maraykanka u geysteen Micheal Brown iyo Eric Garner oo ah rag madow oo aan hubeysneyn oo ay Booliisa dileen.

Ismaaiyl Brinsley oo ah ninka dilay labada askari ayaa la sheegay in uu ahaa nin horey danbiyo badan usoo galay isla markaana 9 goor xabsiga soo galay, waxaana sidoo kale la sheegay inuu uu qabay xanuun dhanka dhimirka ah.

Arabsiyonews.com
New York office