Shabakadan Hadhwanaagnews ayaa la soo gaadhsiiyey warar ay tibaaxayaan ilo xogogaal ah oo ku xidhan xafiiska baasaboorada dalka Djibuuti, kuwaas oo sheegay in wasiirka madaxtooyada Somaliland oo samaystay kooxo rag ah oo gaar ugu xidhan oo qaab mareeg-isku -xidhan u wada shaqeeya uu dalka Djibuuti uga qiibiyey baasaaboorka dalka Djibuuti.
Raga loo qaaday baasaaboorka Djibuuti ayaa la sheegay in badankoodu yihii dhalin yaro ay hayb ahaan is xigaan wasiir Xirsi, kaas oo ujeedada uu kal ee yaha yilaa hadda la malaynayo in ay ku jirto u shaqayn ama la qayan isaga u gaar ah iyo in uu shaqo abuur iyo dhaqaale u abuurid dhalinyaro uu gaar
Warkan oo Hadhwanaagnews ka heshay ilo ku dhadhow sirdoonka Djibuuti oo ku raad joogay arinka, isla markaana haatan gacanta ku haya magacyada shaqsiyaadka loo qaaday baasaboorada Djibuuti oo loogu qaaday qaab wax la isku weydaarsaday miiska hoostiisa lacago badan , oo uu wasiir Xirsi ku bixiyey lacago badan oo uu ka soo saaray jeebka qaranka Somaliland ee uu sidii uu doono uga fushado hawlihiisa ,ayaa la sheegay in baasaaboorada
dadka loo qaaday ay yihiin kuwo isha lagu hayo safaradooda. Xubnaha liiska ka badan kontonka ee wasiir Xirsi baasaaboorada uga qaaday Djibuuti ayaa ay ku jiraan saddex ka mid ah shaqaalaha Hargeysa Airport, kuwaas oo haatan Djibuuti dalxiis ku jooga iyo kuwo u baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale waxa ka mid ah xubnaha baasaaboorka Djibuuti uu Xirsi sifo sharci daro oo uu ugu xidhan yahay musuqmaasuq lagu bixyo baasaaboorka dalka Djibuti uu ugu qaaday xildhibaanka ka taajiray taageerada uu u hayo marwalba dalwada Siiraanyo, kaas oo ah Cali Mareexaan oo dalka Djibuuti haatan jooga oo uu ku soo galay baasaaboorka Djibtuuti. Cali
Mareexaan ayaa gacanta midig ee Xrsi ah, waxaanu si gaara ugu xidhana yahay goyska madaxtooytada oo uu ka helay qandaraasyada dhisida dayrarka wasaaradaha oo uu dilaalo ,
taasoo xildhibaan Cali oo la og yahay mushaarkiisu imta uu yahay haatana qaal weyn oo baloodhiisa laga siiyey in ka badan sideetan kun ka dhisanayaa meel u dhow huteelka weyn ee Maansoor. Baasaaboor la’aan haysayna uu haatan kaga baxaya wasiir Xirsi oo u qaaday
baasaaboorka Djibtuuti. Cali Mareexaan ayaa ka muuqda soo dhaweyntii waftiga Siiraanyo ee Djibuuti. Sidoo kale waxa baasaaoorka Djibuuti uu wasiir Xirsi u qaaday xoghaynta
madaxtooyada, Cali Yare oo ah ninka sida weyn Xirsi iyo qoyska madaxtooyadu si weyn u aamisan yihiin, isla markaana ah qof ka xoghaynta ah ee ugu tijaarsan, Somaliland ku wata baabuur qiimihiisu yahay ilaa iyo lixdan kun oo doolara, isla markaana dalka Djibuuti ka
dhisanaya guri weyn oo dadka reer Djibuuti ka yaabiyey. Cali Yare ayaa ah ninka ku xidhay masuuliyiinta laanyta Baasooboorada Djibuuti wasir Xirsi, waxaana la filayaa in baasaabooro kale socdaalka imika ay ku joogaan Djibuuti gacanta looga dhiibo, kuwaas oo uu wasir Xirsi hore u sii dalbaday
Ilaa hadda lama oga in madaxda sare ee Djibuuti , sida madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu ogyahay baasaboorada Djibuuti ee uu wasiir Xirsi sida julmada ah dalkaas kaga qaatay, isla markaana shaqsiyaad aan kuba dhalan, cagtana aana aan soo dhigin Djibuuti iyagoo jooga Somaliland aayar loogu lasiiyey. Arintan ayaa waxa ay halis ku tagay amaanka Djibuuti iyo ka Geeskaba haddii dad aan la baadhin, lana hubin in way wax dambi ah faraha kula jiraan shaqsiyaadka aayar baasaaboorka Djibuuti loo qaadayo, waana astaan muujinaysa heerka liita ee qiimo la’aanta baasaboorka Djibtuuti iyo wadaniyada dalkaasi oo lagu fushan karo falal Alle og yahay waxay ka imaan kara.
Xigasho Hadhwanaagnews
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








