Madaxweynaha dalka Cuba, Raul Castro, ayaa sheegaya inuu aqbalay casuumaadda shirka mareykanka

0

141218032449_barack_obama_raul_castro_512x288__nocredit-150x150Madaxweynaha dalka Cuba, Raul Castro, ayaa sheegaya inuu aqbalay casuumaadda shirka mareykanka ee bishs April lagu qabanayo Panama.
Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo fool-ka-fool uu u hor fadhiisto madaxweyne Obama, tani iyo markii labada dal ay isku raaceen inay dib u bilaabaan xidhiidhada diblumaasiyadeed, horaantii todobaadkan.

Hadalkan aqbalaadda ay ayaa Madaxweyne Castro waxa uu kaga dhawaaqay xarunta baarlamaanka ee Cuba ee magaalada Havana.

Madaxweyne Castro ayaa sheegay inay furantahay ka doodidda arrimo badan, balse Cuba ayuu tilmaamay inaysan ka tanaasuli doonin mabaadii’deeda hantiwdaaga ah.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa weli doonaya in golaha Congresska ee ay maamulaan Jamhuuriyiinta inay Cuba ka qaadaan xayiraadda 10ka sano ee ka saaran dhanka ganacsiga.
Balse madaxweynaha Cuba Raul Castro ayaa sheegay in Cuba ay dhibaato soo martay muddaddii ay xayiraadda saarneyd