Dadka reer Tuuniisiya ayaa waxa ay dooranayaan madaxweynahoodii ugu horreeyay ee si xor ah loosoo doorto.
Doorashadan oo ah wareeggii labaad ayaa waxa ay horseed u noqonaysaa in dalka uu u dhaqaaqo dhanka dimuqraadiyadda.
Albaaji Qaaid Asibsi, oo boqolkiiba 39 ku guulaystay wareega koobaad, ayaa waxa uu la tartamayaa hogaamiyaha kumeelgaarka ah ee Munsif Marzuuqi.
Mr Asibsi ayaa waxa uu matalayaa xisbiga Nidaa Tuunis.
Tuunis ayaa aheyd dalkii ugu horreeyay ee erya madaxweynahoodii intii uu socday kacdoonkii Carabta, iyadoo sidoo kalana dhiirigalisay kacdoonadii kale ee ka dhacay gobolka.
Mr Asibsi oo todobaadkan ay da’diisu noqotay 88 ayaa la soo shaqeeyay Madaxweynihii xilka laga tuuray Zaynal Caabidiin Bin Cali iyo Xabiib Burgiiba, oo ah hogaamiyihii ugu horreeyay ee dalkaasi xukuma xorniyaddii kaddib.
Munsif Marzuuqi, oo ah 67 jir ayaa ah ninka ay aadka isku hayaan Asibsi, waxaana lagu yaqaan inuu u ololeeyo xuquuqda aadanaha iyadoo ay musaafurisay dowladdii Bin Cali.
Waxa uu ahaa madaxeynihii kumeelgaarka ee Tuunis tan iyo 2011-kii, waxaana uu shacbiyad weyn ku dhex leeyahay dadka saboolka ah ee ku noo koonfurta








