Xildhibaano iyo aqoonyahanka Degmada Arabsiyo oo yeeshay kulan lagu lafa gurayey qaabkii loo horumarin lahaa Arabsiyo+ Sawiro

0

Arabsiyo(AN)kulan lagaga hadlayey horumarka arabsiyood oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanka iyo xildhibaanada kasoo jeeda dagmada arabsiyood! kulan ay maanta ku yeesheen aqoonyahanka iyo xildhibaanada kasoo jeeda dagmada arabsiyood ee gobolka gabiley hotel ala aamin oo ku yaala magaalada arabsiyood kulankaasoo uu soo qbqn qaabiyey mixiyadiin cabdi cali barkhad oo ka mida aqoon yahanka arabsiyood.ayaa lagaga hadlayey sidii looga wada shaqaynlahaa horumarka magaalada ayaa waxa kasoo qayb galay;xildhibaano

dhakhaatiir aqoonyano siyaasiyiin reer absiyooda kulankaasoo daarnaa sidii gacmaha laysku qabsan lahaa ee meel loogasoo wada jeedsan lalahaa horumarka magaalada arabsiyood waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay aqooyahan mixiyadiin cabdi cali barkhad oo kulankan isagu qaban qaabiyey waxaau sheegay mixiyadiin inuu ku faraxsan yahay kulankan qiima weyna ugu fadhiyo maadaama oo aynu maanta uwada taaganahay sidii aynu uga wada hadli lahayn horumarka magaaladeena.waxa kaloo halkaa ka hadlay

Eng C/raxmaan Cali Danfe waxaanu ka Mahad Naqay kulankan isagoo tilmaamay Muhiimaduu kulankani ugu Fadhiyo Magaalada oo buu yidhi ka Maanta aynu iSkugu Nimid inay tahay Dant
magaaladeena oo runtii uu hooseeyo Dugsigii Sare ayna waajib inagu tahay sidii aynu kor ugu qaadi lahayn oo ay meesha uga bixi lahayd in Waxbarasho loo doonto Hargaysa inagoo leh Dugsigii sare dhankakale mar uu ka hadlayey waxyaabaha hore ay u Hirgaliyeen ee ku taxaluqa Horumarka Magaalada

Arabsiyood kuwaasoo waxtar uleh xaga bilicda magaalada waxa kaloo halkaa ka hadley Dr Ciise Cabdi Jaamac oo ah masuul sare oo caafimaad oo kasoo shaqeeyay Ururo Caalamiya waxaana kamid ahaa hadaladiisii inuu ka mahad naqayo cidii ka dambaysay inayu maanta yeelano kulan aynu kaga hadlayno sidii loo hormarin lahaa Magaalada Arabsiyo in aynu ajandaha ku darsano sidii ay uyeelan lahayd magaaladu Cisbitaalkii ay xaqa ulahayd maxaa yeelay tirada dadka magaalada iyo tuulooyinka hoos yimada oo badan

waxa kala oo buu yidhi aan salaan udirayaa dhamaan aqoon yahanka gobolka Gabiley meel kastooy joogaan Jaaliyada iyo Dhamaan Dadweynaha reer Arabsiyood guntii iyo gaba gabadii waxa soo Afmeeray xildhibaan Mustafe Sayd Abokor Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii inuu ka Mahad Celinayo kulankan Maanta oo buu yidhi farxad ii ah inaan dadweynihii idoortay Kulan Wada qaadano anoo diyaar u ah inaan idinkala shaqeeyo horumarka Magaalada oo aynu gacmaha is qabsano

1 2 4 5 6 7 8 9 90 mub

 

Arabsiyo.net

muuse xuseen xasan

 

Arabsiyo Office