Syria: Nusra oo la wareegtay xarumo Militari

0

Kooxda Jabhatul Nusra oo ah garabka Al Qacida ee ka dagaalamaya wadanka Siiriya ayaa la wareegay dhul badan oo kamid ah g obalka Idlib ee dalkaasi Siiriya.

Xoogaga Al Nusra ayaa ku guuleystay inay la wareegaan labadii saldhig militari ee dowlada Bashaar Al Assad ku lahayd gobalka Idlib kuwaasi oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay difaac uga jireen ciidamada xukuumada Siiriya.

Guusha Kooxda Al Nusra ayaa kusoo beegmaysa xili ay sii wiiqmeyso awooda ay leeyihiin xoogaga Mucaaridka ee aan xagjirka ahayn iyadoo hada u muuqato in labada kooxood ee Nusra iyo ISIS yihiin kuwa heysta dhulka ugu balaaran ee mucaaridka gacanta ku dhigay.

Dagaalka ugu danbeeyey ee Idlib ayaa la sheegay in Kooxda Nusra ku guuleystay inay sidoo kale awood ku muquuniso dhamaan kooxihii kale ee mucaaridka ahaa kuwaasi oo qaarkood hub iyo saanad militari ka helay dalalka reer Galbeedka sida Maraykanka.

Hubkaasi ayaa la sheegay inay ku jiraan gantaalada gacanta laga rido ee lagula dagaalamo Taangiyada, qalabkaasi oo ay Nusra u adeegsatay la wareegida xarumaha militari ee gobalka Idlib oo hada guud ahaan gacanta ugu jira kooxda Al Nusra.

Arabsiyonews.com
Qaahira office