Kenya: 500 Hay’adood oo arrimo argagaxiso loo mamnuucay

0

Dowlada Kenya ayaa bilowday olole ay kula dagaalameyso Hay’adaha iyo ururada ay sheegtay inay xiriirka laleeyihiin kooxaha Argagaxisada ah.
Hay’ada u qaabilsan dowlada Kenya maamulida ururada iyo hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa ogolaanshihii kala noqday hay’ado gaaraya 500, kuwaasi oo 15 kamid ah lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin kooxo argagaxiso ah.

Dowlada Kenya ayaa ka codsatay dhamaan hay’adaha iyo ururada xarumaha kuleh dalka Kenya inay soo gudbiyaan xogta dhaqaalahooda iyo lacagta bangiyada u taal.

Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Kenya ayaa qaar kamid ah oo uu ku jiro ururka Dhakhaatiirta aan Xaduuda lahayn ayaa loo qabtay 2 asbuuc inay kusoo gudbiyaan xogta dhaqaalahooda iyo lacagta bangiyada u yaal.

Ololahan cusub ee lala beegsanayo ururada iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ayey Xukuumada Kenya ku sheegtay inay qeyb ka tahay la dagaalanka argagaxisada iyo waliba hay’adaha maalgeliya kooxaha weerarada ka geysta gudaha wadankaasi Kenya.

Arabsiyonews.com
nayrobi office