Cudur aan la aqoon ayaa ka dilaacay maalmihii u dambeeyey degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana u dhintay cudurkan 11 qof oo sideed ka mida ay yihiin Carruur sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed C/raxmaan Fiidow.
Cudurkan oo aan si dhab ah loo ogaan ayaa wata sida la sheegay shuban iyo matag waxaana qofka uu sid deg deg ugu fuuq baxayaa, Isbitaalka degmada Jalalaqsi oo aan ka jirin adeeg wanaagsan ayuu gudoomiyuhu sheegay in ay ku jiraan dad u badan carruur oo xanuunkan la il daran una baahan gar gaar caafimaad.
Gudoomiyaha ayaa xaalada caafimaad ee degmada ku sheegay in ay marayso meeshii ugu liidatay isagoo xusay in dadka xanuunsada iyo kuwa sida deg dega dhaawaca u gaaro loola cararo magaalooyinka Baladweyne iyo Muqdisho.
Maamulka Degmada ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay si dhakhsiya wax uga qabtaan xaaladan caafimaad daro ee ka jirta degmada, Isagoo sidoo kale dalbaday in la tayeeyo Xarunta caafimaad ee degmada jalalaqsi.
Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinkii u dambeeyey ee gobolka Hiiraan laga saaray ururka Al-shabaab oo in muddo ah ka telinayey waxaana yarayd in ay gaaraan gar gaar caafimaad mudda ay joogeen Al-shabaab.
Arabsiyonews.com
alalaqsi office








