Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka AWDAL, waxaanu baaq u diray Suldaan Abuubakar Wabar oo ka fallaagoobay Somaliland isla-markaana Maleeshiyaad urursanaya.
Boqor Buur-Madow oo dalka dibaddiisa ugu maqan safar ayaa wareysi uu xalay siiyey Wargeyska Somalilandtoday ku sheegay inaan xukuumadda talada haysa aan lagu beddeli Karin Suldaan ama Salaadiin fallaagowda, hasa-yeeshee lagu beddeli karayo oo kaliya doorasho, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn in dalka rabshado laga abuuro.
Buur-Madow, waxa uu sheegay in xukuumaddu xaq u leedahay inay xidho cid kasta oo sharciga dalka u yaalla ka hor timaadda, hadduu Suldaan yahay iyo haddii kaleba, isaga oo tusaale u soo qaatay wakhtigii ay isaga xidhay xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin.
Boqor Cismaan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Suldaan Wabar waxaanu ahayn rag aad iyo aad u saaxiib ah, raggii caleemo saarkiisa aad iyo aadka u bogaadiyey ama ula shaqeeyay ayaa ka mid ahaa, saaxiibo aad iskugu dhowna waanu ahayn, manaan filayn inuu maanta halkaasi ka bilaabo, sababta oo ah innagu dhaqan ayaynu leenahay, weliba ragga Madaxda dhaqanka ahi inay dhaqanka ilaaliyaan ayaa loo baahan yahay”
Buur-Madow waxa kale oo uu sheegay “Somaliland marna Cabdiraxmaan Tuurbaa (alle ha u naxariistee) baa joogay, Marna Daahir Rayaale ayaa joogay, Suldaankuna waa Daahir Rayaale Suldaankiisii, Daahir Rayaalena 12 sanadood ayuu dalka Madax ka ahaa, qalooc iyo qumaatiba wuu u soo xukumay, markaa waxaan leeyahay geedyahow haddaan xabag kugu arkana kaa goostay haddii kalena kaa tagay ma noqoneyso oo Somaliland waa lagu heshiiyey, dadka reer Awdalna waa kuwo ugu mudan, uguna sharafta badnaa, dhismaha Somalilandna baalka dahabka ah kaga jiray” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Aniga oo Siilaanyo Suldaankiisa ah oo Daahir Rayaale iyo Siilaanyo tartan ka dhexeeyo ayaan Daahir Rayaale ag-fadhiyey oo taageerayey 12-kii sanadood ee uu dalka soo xukumayey. . Markaa waxaan ka filayey Suldaanka inuu Siilaanyo ag-fadhiisto, maadaama oo beeshiisu ahayd tii ugu sad-bursiga badnayd Somaliland oo uu abaalkii celiyo”









