Baarlamaanka UK oo codsaday Warbixintii Jirdilka CIA oo dhameystiran

0

Baarlamaanka UK ayaa ka codsaday dowlada UK iyo Maraykanka inay usoo gacan geliyaan warbixintii la xariirtay Fadeexadii jirdilka ay CIA u geysteen dadka maxaabiista ah, warbixintaasi oo xog badan oo kamid ah aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Baarlamaanka UK ayaa hada heysta oo kaliya warbixintii asbuucii lasoo dhaafay uu shaaciyey Guddiga Golaha Senate-ka Maraykanka u saaray baaritaanka jirdilka ay hay’ada sirdoonka Marakanka CIA u geystay maxaabiistii ay qabteen kadib weeraradii 9/11.

Golaha Hoose ee Baarlamaanka UK ayaa sheegay inay doonayaan in sidoo kale loo soo gudbiyo xogta sirta ah ee aan weli la shaacin si ay u ogaadaan kaalinta ay Sirdoonka UK ka ciyaareen gacansiinta hay’ada CIA.

Xildhibaanada UK ayaa doonaya inay ogaadaan in sirdoonka UK ay sidoo kale ku lug lahaayeen falalka jirdilka ah ee caalimka ka mamnuuca ah, waxaana codsigan si rasmi ah Axadii shalay u shaaciyey Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Sirdoonka oo lagu magacaabo Malcolm Rifkind.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maraykanka Dick Cheney oo kamid ah madaxdii Maraykanka ee sida weyn u taageerayey hawlgaladii CIA ayaa wareysi uu siiyey telefishin laga leeyahay Maraykanka ku sheegay in hay’ada Sirdoona CIA aysan wax danbi ah gelin oo ay qabatay hawl loo baahnaa.

Arabsiyonews.com
London office