Dowlada Tunisiya ayaa Axadii shalay gebi ahaan xirtay xaduudii ay la wadaagtay wadanka ay jaarka yihiin ee Liibiya, kadib markii halkaasi uu soo gaaray dagaalka u dhaxeeya kooxaha iska soo horjeeda.
Kooxaha ku dagaalamaya xukunka dalka Liibiya ayaa weli ku dagaalamaya qeybo kamid ah dalkaasi, waxaana la sheegay in dagaalka uu shalay gaaray meel u jirta 10km xaduuda Tunisiya.
Xoogaga Isbaheysiga Islaamiga ah ee Al Fajr ee dhawaan la wareegay caasimada Tripoli ayaa duulaan xoogan ku qaaday goobo ay horey gacanta ugu hayeen maleeshiyaadka taageersan General Khalifa Haftar oo kasoo horjeeda Isbaheysiga Islaamiga ah.
General Khalifa Haftar iyo Xukuumada Beesha Caalamka ictiraafsan tahay ayaa iska kaashanaya la dagaalanka kooxaha isbaheystay ee la wareegay caasidam Tripoli








