Gabiley (AN) Duqa Dagmada Gabiley iyo Xildhibaano Ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Ayaa Dhagax Dhigay Garoon Casriya oo Gaar loo Leeyahay islamarkana Laga Binayndoono Magaalada Gabiley Waana markii ugu horeysay Laga Bineeyo Dhismaha Garoon Casriya oo loogu Talo Galay in La Dhigo Doogii Mala Awaalka Ahaaa ee Looyaqaanay Rooga Tigaada Leh.,
Garoonkan Ayaa Ah Mid Gaar Loo Leeyahay Islamarkana Mulkiilaha Garoonkaasi lagu Magcaabo C/raxiim Muxumed Maax oo ku Sugan Dalka Uk Badka Garoonkani Casriga Ah Ayaa Ah 20mX40m, Taasoo Ay Markiiba Ku Ciyaari Doonaan Laba Kooxood oo ka kooban Min Shan Ciyaartoy
Duqa Dagmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo Ka Hadlay Dhagax Dhiga Garoonkaasi Ayaa Aad Ugu Mahad Celiyay Mukiilaha Garoonkaasi C/raxim Muxumed Maax Waxaanu Qurbajoogta Kale Ee Gobolka Gabiley ugu Baaqay inay Ku Daydaan Waxa Kale oo uu Mayrku Xusay in Garoon Kani Wax Badan u Qaban Doono Dhalinyarada Cuslaatay ee u Baahan isboortiga.
Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Dagmada Gabiley .ooisaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Tilmaamay in Garoonkani ka Qayb Qaadan Doono Bilixda iyo Quruxda Magalada Gobolkuna uu u Baahan Yahay Garoomo Kale oo Lamida Garoonkani Si Ay Dhalinyaradu uga Badbaadaan Balwadaha Xun Xun.
Xildhibaan Axmed Sangub oo isaguna Halkaasi Ka hadlay Ayaa Soo Dhaweeyay Garoonkani Waxaanu Xildhibaanku Hadalkiisa Raaciyay in Garoonkani Casrigii Ay Si Fiican Ugu Raaxaysan Doonaan Ciyaarta Ay Ku Ciyaarayaan Kana Raysan Doonaan Boodhkii iyo Buladkiiba.
Arabsiyonews.net Office Gabiley somaliland









