Borama (AN) Xukuumadda Arabsiyonews ayaa ku dedaalaysa inay soo afjarto tabashada Suldaanka guud ee beesha Jibriil Yoonis (Samaroon), taasi oo sida uu ku andacoonayo Suldaan Abubakar ku kaliftay inuu ka fallaagoobi beeshiisa isla-markaana uu urursado Maleeshiyaad uu ugu talo-galay inay waxyeeleeyaan nabadgalyada qaranka Somaliland.
Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Magaalada Borama isla-markaana kulamo la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo waxgaradkiisa beesha, si loogu qanciyo inay Suldaankooda guud ugu nasteexeeyaan, ayaa sheegay in hawshaasi meel wanaagsan u mareyso.
Wefti nabadeed oo ay iska dhex xuleen beesha Jibriil Yoonis, siiba Jilibka uu ka soo jeedo Suldaanka Fallaagoobay ayaa maanta ama berri u ambo-baxaya deegaanka uu gobolka Awdal kaga sugan yahay Suldaan Abuubakar, si ay Suldaanka ugala soo xaajoodaan arrimaha uu tabanayo, si nabadgalyada loo wada ilaaliyo, isaguna uu si nabadgalyo ah ugu soo laabto Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal.
Sidaana waxa sheegay Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Somalilandtoday.
Wasiir Cadami oo ugu horeyn ka hadlaya halka ay u marayaan hawlaha weftigiisu u joogo Borama ayaa yidhi “Hawluhu meel fiican ayay marayaan wax dhibaato ahina ma jiraan, haddii ILAAHAY yidhaahdana way iska soo afjarmayaan”
Wasiirku wuxuu sheegay inay la kulmeen Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beesha uu ka soo jeedo Suldaan Abuubakar “Beeshiisa oo dhan ayaanu la kulanay, dadkuna caqligooda ayay qabaan, waana laga yaabaa inay jiraan dad kooban oo fikirkaa la qabi kartaa (Suldaanka), laakiin dadkooda mudakarka ah iyo waxgaradkoodu sir iyo caadba way ugu sheegeen oo lama qabaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey in beeshu iska dhex xushay wefti culus oo Suldaanka ugu taga halka uu ku dhuumanayo “Waxa u tagaya wefti la Magacaabay, waxayna ugu tagayaan meel ay ku ballansan yihiin, weftigana waxa isla gartay reerka, sidaas ayayna ku heshiiyeen, weftiguna waa dad la xulay oo Madax-dhaqameedkooda iyo waxgaradkooda ah, waxayna u badan yihiin beesha uu Suldaanku yahay”
Wasiirka oo la waydiiyey halka ay ku ogyihiin in Suldaanka fallaagoobay uu ku sugan ayaa ku jawaabay “Isagu wuxuu joogaa meel u dhaxeysa labada xad ee Itoobiya iyo Somaliland”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka jawaabaya rejada ay ka qabaan in mushiladda Suldaanku abuurayo dhamaato “Annagu waxaanu dhowreynayaa shucuurta beelaha Somaliland, iyagana kama aragno hadda wax sag-saag ah, bayaanna way soo saarayaan, haddii ILAAHAY yidhaahdo