Hargeysa (AN) Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha u qaabilsan Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanweyne, ayaa sheegay in Goluhu daba gal ku samaynayo Qiimaha Ganacsatadu Dibada kaga soo Iibsato Alaabooyinka iyo Qiimaha ay Bulshada kaga sii Iibiyaan. Waxa uu sheegay inay Ogaadeen in Ganacsatadu Cashuurta ka dib ay waxay doonaan ku Iibiyaan Alaabooyinka.
Xildhibaanka oo maanta ka warbixinayay Miisaaniyadda sanadkan ee Xukumadda oo warbixinteeda Guddidiisu Golaha hordhigtay ayaa tilmaamay in Heerka Miisaaniyaddu marayso iyo Heerka Cashuuraha dadka laga qaadaaba fiican yihiin “ Miisaaniyaddu way wanaagsan tahay, anaguna Golihii waanu hor dhignay waana laga doodayaa Insha Allah” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan Sanweyne oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Illihii dhaqaaluhu ka soo bixi jiray waanu soo wada marnay inta badan, Bariga maanu tagin oo waanu ku tala jirnaa oo waxay noqonaysaa mid soconaysa oo aanu ku tagno Meel walba oo shilin ka soo baxo, haddii ay Dawladda tahay,haddii ay wasaaraddaha tahay iyo haddii ay Ganacsatada tahayba si aanu Cabashada dadweynaha uga jawaabno”
Xildhibaanku waxa uu sheegay inaan cabashada Bulshadu qabtaa ka iman dhanka dawladda iyo heerka Cashuuraha balse ay tahay Ganacsatada oo qiimaha kor u qaada “Dadweynaha Cabasho badan baanu ka maqalnaa oo Cashuur kordhis ah.waxaan idiin sheegayaa Buuggan Miisaaniyadda ayaa sanad walba la soo galiyaa wixii Cashuur la kordhinayo ama la dhimayo,markaa kolka aanu baadhayno Ilaha dhaqaalaha waxaanu eegnaa ma waxaan Buugga ku jirin baa la saaray oo dadweynuhu ka cabanayaa;
Waxaanu Ugaanay oo aan dadweynaha u sheegayaa maanta inaan cida badanaa wax kordhisaa ahayn Cashuuraha ee ay tahay Ganacsatada oo markay Dekeddaaa ka soo baxaan, Shiidaalkaaba ka mid ah, tusaale ayaan idin siinayaa markii aanu eegnay Tacriifada halkan noogu jirta ee aanu eegnay Kastamada waxaanu Ogaanay in Kaalmaha Shidaalku intay doonaan saaraan, maantadan baa ka mid ah oo ay haddana Sixirkii dib u kiciyeen, iyadoo Shidaalkii Adduunka oo dhamina dhacay” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Wakiiladu waxa uu intaasi raaciyay “Markaa waxaanu wasaaradda Ganacsiga farray, Golahana waydiisanay inay Xeer Nidaamiye u sameeyaan oo lagu baadho ilaa Shidaalka halka laga keenayo, raashinka halka laga keenayo, inta la soo siinayo, inta uu Dekedda ku imanayo iyo inta la sii siinayo ama ganacsatadu ku sii iibinayso markuu Dekedda ka baxo. Ballan waxanu ku qaadaynaa inaanu dadweynaha u soo bandhigno ciddii ku xad gudbaysa xaqooda” ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne.
Wasaaradda Ganacsiga ayaa dhawr jeer oo ay hore u sheegtay inay samaynayso Xeerka kala xaddaynta Ganacsiga, sida Jimladlaha, tafaariiqda iyo soo dejiyaha aanay wali ku guulaysan. Waxaana inta badan Bulshadu rumaysan tahay inaanay jirin cid Ganacsatada ku ilaalisa qiimaha islamarkaana Badeecada ay waxay doonaan ku iibiyaan.








