Hargeysa (AN) Siyaad Abu Ayn oo ahaa wasiir ka tirsan Dawladda Falastiin ayaa maanta ku dhintay isku dhacyo ka dhacay daanta Galbeed ee Qasa ee Israel haysato. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dhimashada Wasiirkan balse waxaa la sheegay inuu u dhintay Neef qabatow ka dib markii uu Hawo ahaan u qaatay Gaaska dadka ka ilmaysiisa oo Ciidanka Israel u adeegsanayay Mudaharaadeyaal.
Telefishanka Falastiin ayaa sidoo kale sheegay in Askarta Israel Jug ka gaadhsiiyeen Laabta, iyadoo Goobjoogeyaal ay ku jiraan Wariye Israel ah, wariye Retures ah iyo dadkalena sheegeen inuu u dhintay Jug ka soo gaadhay Askarta. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxa Hidh lagaga dhuftay uu u dhintay.
Sawirada laga qaaday Masuulkan geeriyooday ayaa si degdeg ah ugu dhex wareegay Mareegaha bulshadu ku xidhiidho, iyadoo Sawiradu muujinayaan waxyeelo Askarta Israel gaadhsiisay.
Waxaa falkan Cambaareeyay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, oo ku tilmaamay fal fool xun oo badawnimo ah.
Masuulkan ayaa u qaabilsanaa Falastiin dib u dejinta, waxaanu ku geeriyooday rabshado lagaga soo horjeedo degaamayn sharci daro ah oo Israel ka wada dhulka danta galbeed ee Falastiin.









