Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen ku xaqiijiyey in magaalada Muqdisho gudaha u galeen xubno waa weyn oo ka tirsan Al-shabaab oo hogaaminaya shabakado hoos taga Ururka Al-shabaab, damacsana in ay falal ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Taliyaha howlgalka ciidamada militeriga 12ka April ee ka howl gala gobolada Shabeelooyinkha iyo Banaadir Gen Maxamed Maxamuud Qaafow ayaa sheegay in ciidamadooda aagag kala duwan ku leeyihiin wadooyinka soo gala Muqdisho dadaal badana u galaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab in gudaha ugalaan Muqdisho.
Gen. Qaafow ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay gudaha Muqdisho galeen iyagoo maraya wadooyin ku yaala dhinacada magaalada oo ay iska ilaalinayaan ciidamada Militeriga Dalka, Wuxuu xusay in ay samaysatay xubnahaas sarsare ee shabaabka Shabakado ka dhex dagaalama gudaha Muqdisho.
Arrintan ayuu Sarkaalkan Militeriga dalka ka tirsan ku xaqiijiyey baaritaano xoogan oo ay sameeyeen iyo howl galo ay sameeyeen ciidanka militeriga oo ay ku soo qabteen shabakado dhisan oo qorshaynayey weeraro ka dhan ah Amniga Muqdisho.
Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dar dargelinta dagalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-shabaab oo dowladdu ugu magacdartay howlgalka Badweynta Hindiya in sida ugu dhakhsiyaha badan ay ku bilaabayaan kalana wareegayaan maleeshiyada Al-shabaab fariisimaha ay ku leeyihiin gobolada Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Banaadir oo sifeynta Al-shabaab ka bilaabayaan.
Hadalka ka soo baxay Gen Qaafow ayaa imanaya xili todobaadyadii u dambeeyey kooxda Al-shabaab gudaha Muqdisho si weyn uga fuliyey weeraro, Qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka iyo shacab Soomaaliyeed.
Arabsiyonews.com
Muqdisho office








