Burco (AN) Xildhibaan Mubarak Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo kamida Xildhibaanada Hormuudka u ah Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Jawaab Cad Ka Bixiyay Hadalo Deelqaaf Ah oo Ka Soo Yeedhay Masuuliyiin Hore Xilal Uga Hayay Xukuumada Oo Ku Biirtay Xisbiga Bahalo Galeenka Ah Ee Waddani, Isla Markaana Aflagaadooyin Iyo Eedaymo Usoo jeediyay Aqalka Madaxtooyada, Waxaana Xildhibaanku Masuulyiintaasi Ku Tilmaamay Kuwo Ku Fashilmay Xilkii Ay Umada Uhayeen Ee Hore Ugu Magacaabay Madaxweynuha Somaliland.