Waxaa Maanta oo Talaada ah la shaacinayaa warbixin ay soo saareen guddi baarayey jirdilkii ay hay’ada Sirdoonka Maraykanka CIA u adeegsatay Maxaabiistii Al Qacida.
Baarlamaanka Maraykanka ayaa fasaxay in la shaaciyo warbixinta baaritaanka lagu sameeyey hay’ada Sirdoonka CIA iyo jirdilka ay u geysatay dadkii ay qabatay xiligii xukuumadii George W Bush.
Warbixintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeday in la baahiyo hay’ada CIA iyo xukuumada Maraykanka oo sheegay inay ka cabsi qabaan in warbixintan ay dhaawaci karto sumcada Maraykanka iyo waliba khatar gelin doonto amaanka dadka Maraykanka ah.
Arabsiyonews.com
Washiton office








